Google Digital Garage: Koorsooyin Bilaash ah oo Kaa Caawinaya Horumarka Xirfadeed

Google Digital Garage waa barnaamij online ah oo bilaash ah, kaasoo bixiya koorsooyin xirfadeed iyo aqoon guud oo la xiriira suuqgeynta dijitaalka ah, ganacsiga, iyo xirfadaha dijitaalka. Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in dadka ka caawiyo in ay helaan xirfado cusub, kor u qaadaan fursadaha shaqo, isla markaana ay horumariyaan ganacsigooda.

Maxaa Lagu Baranayaa Google Digital Garage?

Barnaamijkan wuxuu leeyahay koorsooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin:

  1. Digital Marketing (Suuqgeynta Dijitaalka): Waxaad baraneysaa sida loo sameeyo suuqgeyn online ah, SEO, social media marketing, iyo email marketing.
  2. Data and Tech (Xogta iyo Tiknoolajiyada): Koorsooyinkan waxay kaa caawinayaan fahamka xogta, falanqaynta, iyo barashada software-ka muhiimka ah ee ganacsiga.
  3. Career Development (Horumarka Shaqada): Waxaad ku baraneysaa xirfadaha muhiimka ah ee shaqada sida CV qorista, networking, iyo xirfadaha isgaarsiineed.

Faa’iidooyinka Google Digital Garage

  • Bilaash ah: Dhammaan koorsooyinka waxaa lagu bixiyaa online bilaash, xitaa shahaadada (certificate) waa bilaash.
  • Flexibility: Waxaad baran kartaa wakhti kasta iyo meel kasta adigoo adeegsanaya internet.
  • Shahaado La Aqoonsan Yahay: Marka aad dhammayso koorsada, waxaad heli kartaa shahaado Google aqoonsan yahay oo kaa caawin karta shaqo raadinta ama horumarinta ganacsigaaga.

Sidee loo bilaabi karaa?

  1. Booqo website-ka Google Digital Garage.
  2. Samee account bilaash ah.
  3. Dooro koorsada aad rabto inaad barato.
  4. Ku bilow barashada adigoo raacaya modules-ka iyo casharrada la bixiyo.
  5. Dhammayso koorsada oo hel shahaadadaada bilaashka ah

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top