Ma ku riyoon jirtay inaad shahaadada Master-ka ka qaadato mid ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn uguna tayada sarreeya adduunka? Jaamacadda University of Glasgow ee dalka Scotland ayaa ku dhowaaqday deeqda waxbarasho ee African Excellence Award oo loogu talagalay ardayda kartida leh ee ka socda qaaradda Afrika.

Haddii aad tahay arday Soomaaliyeed oo raadinaya fursad waxbarasho oo heer caalami ah, maqaalkan ka akhriso wax kasta oo aad uga baahan tahay scholarship-kan iyo qaabka aad u codsan laheyd.

Waa Maxay African Excellence Award?

Deeqdan waxaa loo asaasay in lagu taageero ardayda loo arko inay yihiin “Future World Changers” (Kuwa dunida wax ka beddeli doona). Waxay si gaar ah xoogga u saartaa ardayda aqoontoodu aadka u sarreyso (Academic Excellence).

Faa’iidooyinka Deeqda:

  • Lacagta Waxbarashada: Waxaa lagaa cafiyayaa 100% (Full Tuition Fee Waiver).
  • Heerka: Postgraduate Taught (Master’s Degree).
  • Muddada: 1 sano.

Fiiro Gaar ah: Deeqdan ma daboolayso kharashka nolosha, tigidhada diyaaradda, iyo fiisaha. Ardaygu waa inuu caddayn karaa inuu iska bixin karo kharashka nolosha inta uu UK joogo.


Shuruudaha looga baahan yahay Ardayda Soomaaliyeed

Si aad fursad u hesho, waa inaad buuxisaa shuruudahan soo socda:

  1. Dhalashada: Waa inaad u dhalatay wadan Afrikaan ah (Soomaaliya way ku jirtaa).
  2. Aqoon Sare: Waa inaad haysataa shahaadada koowaad (Bachelor) oo darajadeedu tahay First Class ama mid u dhiganta (GPA-gaaga waa inuu aad u sarreeyaa).
  3. Oggolaansha Jaamacadda: Waa inaad marka hore codsatid mid ka mid ah koorsooyinka Master-ka ee jaamacadda, oo aad heshaa oggolaasho (Offer Letter).

Sida loo Codsado (Tallaabo-Tallaabo)

1. Codsiga Koorsada (Admission)

Ugu horreyn, dooro koorsada aad rabto inaad barato, ka dibna si online ah uga codso mareegta rasmiga ah ee Jaamacadda Glasgow. Waa inaad buuxisaa dhammaan shuruudaha koorsada sida Shahaadooyinka iyo Luuqadda Ingiriiska.

2. Codsiga Deeqda (Scholarship Form)

Markaad hesho lambarkaaga ardaynimo (Student ID), waxaad buuxinaysaa foomka online-ka ah ee deeqda waxbarasho. Waxaa lagaa rabaa inaad qorto maqaal gaaban (Personal Statement) oo qiyaastii ah 500 eray .

3. Maqaalka “Future World Changer”

Tani waa qaybta ugu muhiimsan. waa halka lagu qorayo yoolka aad leedahay iyo sida aad u rajeynaysid in aqoontaadi wax kabadasho wadankaaga ama qaaradaba. Sidaas daraadeed Jaamacadda u sharax :

  • Maxay tahay yoolka aad leedahay?
  • Sidee cilmigan aad baranayso wax uga beddeli doonaa bulshadaada markaad Soomaaliya ku laabato?

Deadlines

  • Xilliga ay xidhmayso: Caadiyan waa 31-ka March ee sanad walba.
  • Wareysiga (Interview): Ardayda la soo xulo waxaa lala yeeshaa wareysi online ah bisha May.
  • Natiijada: Waxaa lagugu soo wargelinayaa dabayaaqada bisha May ama bilowga June

Linkigan raac si aad u apply gareyso https://www.gla.ac.uk/scholarships/universityofglasgowafricanexcellenceaward/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *