Jaamacadda Genoa (Università di Genova) waxay ku dhawaaqday deeqda waxbarasho ee ALISEO iyo UNIGE Scholarships, kuwaas oo ah deeqo loogu talagalay ardayda caalamiga ah amba kasoo jeeda wadamada kale, ee raba inay ka bartaan dalka Talyaaniga heerarka Bachelor iyo Master.

Hordhac kooban oo ku saabsan jaamacadan Genoa

Waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu faca weyn Yurub, waxayna caan ku tahay kuliyadaha injineerinka, caafimaadka, iyo cilmiga badaha. Waxay ku taal magaalada quruxda badan ee Genoa oo dhacda xeebta waqooyi ee Talyaaniga.

Faa’iidooyinka Deeqda Waxbarasho

Deeqdan maaha mid bixisa kaliya lacagta waxbarashada, ee waxay dabooshaa dhammaan baahiyaha ardayga:

  • Dhaafitaan Lacagta Waxbarashada: Ardaydu ma bixinayaan wax tuition fee ah.
  • Kaalmada Lacageed: Ardaydu waxay helayaan inta u dhaxaysa €6,000 ilaa €6,700 sanadkii.
  • Hoy Bilaash ah: Waxaa lagu siinayaa qol aad degto (Dormitories).
  • Cunto Bilaash ah: Hal mar oo cunto ah maalin kasta oo laga cuno makhaayadaha jaamacadda.

Shuruudaha looga baahan yahay ardayda Soomaaliyeed

Haddii aad rabto inaad u tartanto deeqdan, waa inaad haysataa dukumentiyadan:

  1. Baasaboor shaqaynaya.
  2. Shahaadooyinkii hore: (Dugsi sare ama Bachelor) oo loo turjumay Talyaani ama Ingiriisi.
  3. ISEEU Parificato: Tani waa warqadda lagu qiimeeyo dakhliga qoyskaaga (waa muhiim si aad u hesho lacagta masruufka).
  4. Codsiga Jaamacadda: Waa inaad marka hore heshaa “Admission Letter” ama ogolaansho jaamacadeed.

Habraaca Codsiga

Si aad ugu guulaysato deeqdan, raac afartan tallaabo:

Tallaabada 1-aad: Dooro Koorsadaada

Booqo bogga rasmiga ah ee jaamacadda si aad u doorato maaddada aad rabto inaad barato. Hubi inay ku baxdo luuqadda aad taqaano (Ingiriisi ama Talyaani).

Tallaabada 2-aad: Pre-enrollment (Universitaly)

Waa inaad iska diiwaangelisaa bogga rasmiga ah ee dawladda Talyaaniga ee Universitaly si aad u hesho oggolaanshaha fiisaha.

Tallaabada 3-aad: Codsiga ALISEO

Marka aad hesho ogolaanshaha jaamacadda, waxaad codsanaysaa deeqda dhaqaale ee gobalka Liguria (ALISEO). Tani waa halka aad ku helayso hoyga iyo masruufka.

Tallaabada 4-aad: Codsiga Fiisaha

Marka labadaas hore kuu dhammaystirmaan, waxaad u gudbaysaa safaaradda Talyaaniga si aad u hesho fiisaha ardayga (Type D).

Taariikhaha Muhiimka ah

  • Furitaanka Codsiga: Deeqdan waxa la furaa March illaa April
  • Xidhitaanka: Deeqdan waxbarasho codsiyadu waxay soo xidhmaan bisha Bisha July inta badan waa xilliga ugu dambeeya ee codsiga deeqda ALISEO.

Halkan ka apply-garee deeqdan waxbarasho

1: Link-ga admission-ka halkan iska diiwaangali

2. Link-ga Deeqda Waxbarasho (ALISEO)

Kani waa bogga laga codsado deeqda lacageed (Stipend), jiifka (Accommodation), iyo cuntada

3. Link-ga Universitaly (Visa Process)

Dhammaan ardayda caalamiga ah ee u socota Talyaaniga waa inay halkan iska diiwaangeliyaan si ay u helaan fiisaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *