
Deeqda dowladda Turkiga (Türkiye Bursları) waa mid ka mid ah fursadaha ugu ballaadhan ee ay helaan ardayda Soomaaliyeed sannad kasta. Ma aha oo kaliya kaalmo maaliyadeed, balse waa barnaamij lagu dhisayo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee caalamka.
Maxaa ka dhigaya Deeqdan mid Gaar ah?
Deeqdan si xirfadaysan ayaa loo naqshadeeyay, deeqdan waa mid Fully Funded ah, taas oo ka dhigan inay daboolayso dhammaan baahiyahaaga waxbarasho iyo kuwo nololeedba.
1. Faa’iidooyinka Deeqda
Haddii aad ku guulaysato, waxaad helaysaa:
- University Placement: Waxaad si toos ah u helaysaa boos jaamacadeed oo bilaash ah.
- Luuqadda Turkiga: Hal sano oo barashada luuqadda Turkiga ah (TÖMER) oo lacag la’aan ah.
- Hoy: Jiif iyo cunto bilaash ah oo ay bixiso dowladda.
- Caafimaadka: Caymis dhammaystiran.
- Tikidhada: Duullimaadka ugu horreeya iyo kan qalin-jabinta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
2. Gunnada Bilaha ah
Dowladda Turkiga waxay siisaa ardayda gunno bishii loogu talagalay kharashka yar-yar, waxaana u beddelnay USD si aad u fahamto:
| Heerka Waxbarasho | Gunnada (USD) |
| Undergraduate (Bachelor) | $100 bishii |
| Master’s Degree | $145 bishii |
| PhD (Doctorate) | $185 bishii |
3. Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha
Si aad u xaqiijiso in codsigaagu guuleysto, waa inaad buuxisaa shuruudahan:
- Dhibcaha (GPA):
- Bachelor: Ugu yaraan 70%.
- Caafimaadka (Medicine/Pharmacy): Ugu yaraan 90%.
- Master & PhD: Ugu yaraan 75%.
- Xadka Da’da:
- Bachelor: Ka yar 21 sano.
- Master: Ka yar 30 sano.
- PhD: Ka yar 35 sano.
4. Taariikhaha Muhiimka ah (Important Dates 2026)
Waa inaad la socotaa jadwalkan si aadan u seegin fursadda:
- Application Opens: January 10, 2026
- Deadline: February 20, 2026
- Interviews: May — July 2026
- Results Announcement: August 2026
- Visa & Departure: September 2026
5. Dukumiintiyada aad u baahan tahay
Hubi in dukumiintiyadan ay kuu diyaarsan yihiin qaab PDF ama Image ah:
- Baasaboor ama Aqoonsi (ID Card) oo shaqaynaya.
- Sawirkaaga (Passport size).
- Shahaadada Dugsiga Sare/Jaamacadda iyo Natiijada (Transcripts).
- Laba warqadood oo talo-bixin ah (Reference Letters).
- Warqadda Ujeeddada (Letter of Intent/Motivation).
