
Barnaamijkani ma ahan mid hal jaamacad ku kooban. Waa barnaamij ay iska kaashadeen ugu yaraan saddex jaamacadood oo ku yaal dalal kala duwan. Ardaygu wuxuu ku khasban yahay inuu wax ka barto ugu yaraan laba dal oo Yurub ah inta uu ku jiro muddada waxbarashada (2 sano).
1. Faa’iidooyinka Deeqda
Deeqdan waxaa si buuxda u maalgeliya Midowga Yurub, waxayna dabooshaa:
- Full Tuition Fees: Dhammaan lacagta jaamacadda iyo maamulka.
- Monthly Stipend: Waxaad helaysaa gunno bil kasta ah oo dhan €1,100 — €1,500 (USD $1,200 — $1,650).
- Travel & Installation: Kharashka tikidhada diyaaradda iyo lacagta lagugu dejinayo dalka cusub.
- Visa & Insurance: Caymis caafimaad oo dhammaystiran iyo kaalmo xagga fiisaha ah.
2. Taariikhaha Muhiimka ah
Ugu horeyn taarriikhuhu isku mid maaha Sababtoo ah Erasmus Mundus waxay ka kooban tahay boqolaal koorso oo madax-bannaan,taasaa keentay in taariikhuhu ay kala duwanaadaan, laakiin jadwalka guud waa kan:
- Applications Open: October — December 2025
- Application Deadlines: Midowga Yurub wuxuu u qabtay January — March 2026 (Inta badan koorsooyinku waxay xidhmaan dhamaadka January).
- Selection Results: May 2026
- Academic Year Starts: September 2026
3. Dukumiintiyada looga baahan yahay Codsadaha
dukumiintiyada muhiimka ee lagu kala guulaysto:
- Degree Certificate: Shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda.
- Academic Transcripts: Natiijada maadooyinka (Fadlan hubi inay ku turjuman yihiin English).
- Motivation Letter: Maqaal xirfadaysan oo sharraxaya sababta aad u dooratay barnaamijkaas.
- Two Reference Letters: Waraaqo talo-bixin ah oo ka imanaya macallimiintaada.
- CV (Europass Format): Waa inuu u diyaarsan yahay qaabka ay Yurub aqoonsan tahay.
- English Proficiency: Sida IELTS ama TOEFL (In kasta oo barnaamijyada qaar ay oggol yihiin “Medium of Instruction” haddii aad ku soo baratay Ingiriis).
4. Sida loo doorto Takhasuskaaga
Erasmus Mundus ma laha hal meel oo laga wada codsado. Waa inaad gashaa Catalogue-ka rasmiga ah, oo aad ka raadisaa takhasuskaaga (sida Engineering, Health, AI, ama Social Science).
5. Tallaabooyinka lagu Codsado
- Booqo mareegta Erasmus Mundus Catalogue.
- Raadi koorsada ku habboon waxbarashadaadii hore.
- Guji link-ga mareegta gaarka ah ee koorsadaas (Course Website).
- Ka buuxi foomka online-ka ah ee mareegta jaamacaddaas ku yaal.
Codso Erasmus Mundus 2026
Hadda hel takhasuskaaga oo bilaw mustaqbalkaaga Yurub:
