Deeqda waxbarasho ee Commonwealth Scholarships waa mid ka mid ah fursadaha ugu caansan ee ay bixiso dawladda UK (United Kingdom). Deeqdan waxaa loogu talagalay ardayda ka timaada waddamada xubnaha ka ah barwaaqo-sooranka.

Maxay Deeqda Commonwealth dabooshaa?

Deeqdan waa Fully Funded, taas oo ka dhigan in ardayga la siinayo:

  • Tikidhada Diyaaradda: Tegista iyo soo laabashada UK.
  • Lacagta Jaamacadda: Dhammaan kharasaadka waxbarashada.
  • Lacag Bilood ah: Lacag dhan £1,347 (ama £1,652 haddii aad London degan tahay) si aad u daboosho noloshaada.
  • Kharasaadka Cilmi-baadhista: Kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay diyaarinta cilmi-baarista (Thesis).

Noocyada Deeqda ee u furan Soomaaliya

Ardayda Soomaaliyeed waxay inta badan codsan karaan labadan qaybood:

  1. Commonwealth Master’s Scholarships: Loogu talagalay heerka Master-ka (1 sano).
  2. Commonwealth PhD Scholarships: Loogu talagalay heerka PhD (3 sano).

Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha

  • Dhalashada: Waa inaad tahay muwaadin Soomaaliyeed ama qaxooti ku sugan dal ka mid ah Commonwealth-ka.
  • Heerka Waxbarasho: Waa inaad haysataa ugu yaraan shahaadada koowaad (Bachelor) oo leh darajo sare (Upper Second Class – 2:1 ama ka badan).
  • Dhaqaalaha: Waa inaad cadaysid inaadan awoodin inaad adigu iska bixiso kharaska waxbarashada UK.
  • Ujeeddada: Waa inaad muujisaa sida waxbarashadaadu wax uga beddeli doonto horumarka Soomaaliya ka dib markaad soo laabato.

Xilliyada Muhiimka ah (2026 Timeline)

Deeqdan waxay leedahay nidaam adag oo xilliyaysan:

MarxaladdaXilliga (Qiyaas)
Furitaanka CodsigaSeptember – October 2026
Xidhitaanka CodsigaBartamaha December 2026
Wareysiyada (Interviews)January– March 2027
Natiijada Final-kaJune – July 2027
Bilaabashada WaxbarashadaSeptember/October 2027

Sida loo codsado

Waxa jira laba dariiqo oo muhiim ah:

  1. Nominating Agencies: Waa inaad soo martaa hay’adaha qaranka ee Soomaaliya u qaabilsan (sida Wasaaradda Waxbarashada).
  2. CSC Online System: Waa inaad si toos ah uga diiwaangashataa bogga rasmiga ah ee barwaaqo-sooranka.

FIIRO GAAR AH: Looma baahna inaad haysato IELTS wakhtiga aad codsanayso, laakiin jaamacadda aad doorato ayaa laga yaabaa inay hadhow kaa codsato haddii lagu xusho.

Ma diyaar u tahay inaad codsato?

Raac badhanka hoose si aad u aragto liiska jaamacadaha UK ee qaybta ka ah barnaamijkan iyo foomamka codsiga.

Apply for Commonwealth Scholarship

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *