
Deeqda waxbarasho ee Commonwealth Scholarships waa mid ka mid ah fursadaha ugu caansan ee ay bixiso dawladda UK (United Kingdom). Deeqdan waxaa loogu talagalay ardayda ka timaada waddamada xubnaha ka ah barwaaqo-sooranka.
Maxay Deeqda Commonwealth dabooshaa?
Deeqdan waa Fully Funded, taas oo ka dhigan in ardayga la siinayo:
- Tikidhada Diyaaradda: Tegista iyo soo laabashada UK.
- Lacagta Jaamacadda: Dhammaan kharasaadka waxbarashada.
- Lacag Bilood ah: Lacag dhan £1,347 (ama £1,652 haddii aad London degan tahay) si aad u daboosho noloshaada.
- Kharasaadka Cilmi-baadhista: Kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay diyaarinta cilmi-baarista (Thesis).
Noocyada Deeqda ee u furan Soomaaliya
Ardayda Soomaaliyeed waxay inta badan codsan karaan labadan qaybood:
- Commonwealth Master’s Scholarships: Loogu talagalay heerka Master-ka (1 sano).
- Commonwealth PhD Scholarships: Loogu talagalay heerka PhD (3 sano).
Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha
- Dhalashada: Waa inaad tahay muwaadin Soomaaliyeed ama qaxooti ku sugan dal ka mid ah Commonwealth-ka.
- Heerka Waxbarasho: Waa inaad haysataa ugu yaraan shahaadada koowaad (Bachelor) oo leh darajo sare (Upper Second Class – 2:1 ama ka badan).
- Dhaqaalaha: Waa inaad cadaysid inaadan awoodin inaad adigu iska bixiso kharaska waxbarashada UK.
- Ujeeddada: Waa inaad muujisaa sida waxbarashadaadu wax uga beddeli doonto horumarka Soomaaliya ka dib markaad soo laabato.
Xilliyada Muhiimka ah (2026 Timeline)
Deeqdan waxay leedahay nidaam adag oo xilliyaysan:
| Marxaladda | Xilliga (Qiyaas) |
| Furitaanka Codsiga | September – October 2026 |
| Xidhitaanka Codsiga | Bartamaha December 2026 |
| Wareysiyada (Interviews) | January– March 2027 |
| Natiijada Final-ka | June – July 2027 |
| Bilaabashada Waxbarashada | September/October 2027 |
Sida loo codsado
Waxa jira laba dariiqo oo muhiim ah:
- Nominating Agencies: Waa inaad soo martaa hay’adaha qaranka ee Soomaaliya u qaabilsan (sida Wasaaradda Waxbarashada).
- CSC Online System: Waa inaad si toos ah uga diiwaangashataa bogga rasmiga ah ee barwaaqo-sooranka.
FIIRO GAAR AH: Looma baahna inaad haysato IELTS wakhtiga aad codsanayso, laakiin jaamacadda aad doorato ayaa laga yaabaa inay hadhow kaa codsato haddii lagu xusho.
Ma diyaar u tahay inaad codsato?
Raac badhanka hoose si aad u aragto liiska jaamacadaha UK ee qaybta ka ah barnaamijkan iyo foomamka codsiga.
