
Ma tahay arday Soomaaliyeed oo hamigiisu yahay inuu waxbarasho tayo leh ka helo dalka dibadiisa? Jaamacadda Universitas Brawijaya (UB) oo ku taal dalka Indooniisiya ayaa bixisa fursado qaali ah oo isugu jirta deeq buuxda iyo qaar qayb ah, kuwaas oo u furan ardayda wadamo badan.
Hordhac Jaamacada Brawijaya?
Universitas Brawijaya waxay ka mid tahay shanta jaamacadood ee ugu sarreeya dalka Indooniisiya. Waxay caan ku tahay barashada culuumta beeraha, caafimaadka, injineernimada, iyo cilmiga bulshada. Jaamacadda waxay ku taal magaalada Malang, oo ah magaalo qurux badan, jawi deggan, isla markaana noloshiisu aad u jaban tahay.
Noocyada Deeqaha ee Aad Heli Kartid
Ardayda Soomaaliyeed waxay jaamacaddan ku tegi karaan laba waddo oo waaweyn:
- Deeqda KNB (Kemitraan Negara Berkembang):Tani waa deeqda ugu caansan ee dowladda Indooniisiya bixiso. Waxay daboolaysaa:
- Tikidhka diyaaradda.
- Lacagta jaamacadda oo dhan (Tuition fees).
- Gunno bishii la siiyo ardayga
- Caymiska caafimaadka iyo barashada luqadda Bahasa Indonesia.
- Deeqda Tooska ah ee Jaamacadda (Brawijaya Excellence Award):Jaamacadda lafteeda ayaa mararka qaar bixisa deeqo loogu talagalay ardayda dhibcaha sare keenta ee ka yimaada wadamada soo koraya.
Shuruudaha Guud ee Codsiga
Si aad u codsato, waa inaad haysataa dukumiintiyadan soo socda:
- Baasaboor: Waa inuu shaqaynayaa ugu yaraan 18 bilood.
- Shahaado iyo Transcript: Waa in loo turjuma luqadda Ingiriisiga.
- Warqad Caafimaad: Caddeyn muujinaysa inaad ka caafimaad qabto cudurrada faafa.
- Sawirro: Sawirro cusub oo background-ku yahay casaan ama buluug ah (sida nidaamka Indooniisiya yahay).
- Statement of Purpose: Sharraxaad ku saabsan sababta aad u dooratay UB iyo qorshahaaga mustaqbalka.
Sidee ayay Ardayda Soomaaliyeed uga Faabaidaysan Karaan?
Ardayda Soomaaliyeed waxay leeyihiin fursad gaar ah maadaama ay jiraan xidhiidh soo jireen ah oo dhanka waxbarashada ah oo ka dhexeeya labada dal. Halkan waa tillaabooyinka aad qaadi karto:
- Dooro Courses-ka lagu dhigo Ingiriisiga: In kastoo maaddooyin badan lagu dhigo luqadda Bahasa, UB waxay leedahay fasallo caalami ah (International Undergraduate Program – IUP) oo lagu dhigo Ingiriis.
- Xidhiidh la samee Safaaradda: La xiriir safaaradda Indooniisiya ee kuugu dhow (sida Nairobi ama Muqdisho) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan fiisaha waxbarashada.
- Nolosha Jaban: Indooniisiya waa waddan ay ku noolaan karaan ardayda Soomaaliyeed, maadaama ay tahay dal Muslim ah, cuntaduna ay u dhowdahay middii aan u barannay.
Sidee loo Codsadaa? (Linkiyada Muhiimka ah)
Codsiga jaamacadda waxaa loo maraa mareegtooda rasmiga ah:
- Bogga Codsiga ee Jaamacadda: https://io.ub.ac.id/how-to-apply-3/
- Macluumaadka Ardayda Caalamiga ah: https://io.ub.ac.id/
