
Dowladda Ireland waxay sannad kasta bixisaa 60 deeq waxbarasho oo loogu talagalay ardayda ugu dhibcaha sarreeya caalamka. Tani waa fursad aad wax kaga baran karto dalka loogu yeero “Silicon Valley-ga Yurub”.
Faahfaahinta Lacagta iyo Gunnada
- Gunnada Nolosha: Waxaad helaysaa €10,000 oo hal mar laguugu shubayo akoonkaaga si aad ugu maarayso noloshaada iyo hoyga.
- Dhaafitaan Lacagta Waxbarashada: Jaamacadaha Ireland waxay kaa cafisayaan dhamaan lacagta (Full Tuition Fee).
Tallaabooyinka Codsiga
- Aqbalaadda Jaamacadda: Marka hore, waa inaad codsi u dirtaa jaamacad ku taal Ireland (sida Trinity College Dublin ama UCD).
- Xaqiijinta: Markaad hesho warqadda aqbalaadda (Offer Letter), ayaad codsanaysaa deeqda dowladda.
- Maqaal (Essay): Waxaad qoraysaa maqaal ka hadlaya sida waxbarashada Ireland ay kuu caawinayso mustaqbalka.
Taariikhaha Muhiimka ah
- Xiliga codsiyadu furmayaan:Bishan dhamaadka ah ee December 2025 ayaa la furay
- Xiliga codsiyadu xidhmayaan: March 2026
- Wakhtiga la ogaanayo natiijada codsiyada: June 2026
- Wakhtiga waxbarashadu bilaabmayso: September/October 2026
