Deeqda Dowladda Ireland (GOI-IES) 2026

Dowladda Ireland waxay sannad kasta bixisaa 60 deeq waxbarasho oo loogu talagalay ardayda ugu dhibcaha sarreeya caalamka. Tani waa fursad aad wax kaga baran karto dalka loogu yeero “Silicon Valley-ga Yurub”.

Faahfaahinta Lacagta iyo Gunnada

  • Gunnada Nolosha: Waxaad helaysaa €10,000 oo hal mar laguugu shubayo akoonkaaga si aad ugu maarayso noloshaada iyo hoyga.
  • Dhaafitaan Lacagta Waxbarashada: Jaamacadaha Ireland waxay kaa cafisayaan dhamaan lacagta (Full Tuition Fee).

Tallaabooyinka Codsiga

  1. Aqbalaadda Jaamacadda: Marka hore, waa inaad codsi u dirtaa jaamacad ku taal Ireland (sida Trinity College Dublin ama UCD).
  2. Xaqiijinta: Markaad hesho warqadda aqbalaadda (Offer Letter), ayaad codsanaysaa deeqda dowladda.
  3. Maqaal (Essay): Waxaad qoraysaa maqaal ka hadlaya sida waxbarashada Ireland ay kuu caawinayso mustaqbalka.

Taariikhaha Muhiimka ah

  • Xiliga codsiyadu furmayaan:Bishan dhamaadka ah ee December 2025 ayaa la furay
  • Xiliga codsiyadu xidhmayaan: March 2026
  • Wakhtiga la ogaanayo natiijada codsiyada: June 2026
  • Wakhtiga waxbarashadu bilaabmayso: September/October 2026

Codso Deeqda Ireland 2026

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *