Dawladda Brunei Darussalam waxay ku dhawaaqday codsiga deeqda waxbarasho ee caalamiga ah ee BDGS 2026/2027. Deeqdan oo ah mid Full Scholarship ah, waxay fursad siinaysaa ardayda caalamka inay wax ka bartaan jaamacadaha ugu horreeya dalkaas, iyadoo dowladda ay bixinayso kharash kasta oo ku baxaya ardayga, waa deeq ufuran ardeyda soomaaliyeed.

Macluumaad Guud oo Deeqda ku Saabsan

FaahfaahintaMacluumaadka
DalkaBrunei Darussalam
Heerka WaxbarashoDiploma, Undergraduate (Bachelor) & Master
MaaliyaddaFully Funded (Dhamaystiran)
Xilliga kama dambaysta ah ee codsiga15 February 2026

Faa’iidooyinka Deeqdan Waxbarasho

Deeqdan waxaa loogu talagalay inay daboosho baahiyaha ardayga laga bilaabo maalinta uu dalkaas tago ilaa uu ka qalin-jabiyo:

  • Kharashka Waxbarashada: Ardayga waxaa laga dhaafayaa lacagta diiwaangelinta, imtixaanka, iyo waxbarashada (Tuition Fees).
  • Tikidhada Diyaaradda: Tikidh hore iyo mid dambe (Economy Class) oo lacag la’aan ah.
  • kharash bileed: Lacag bishii ah oo dhan $388.00.
  • Lacagta Cuntada: Lacag bishii ah oo dhan $116.00.
  • Lacagta Buugaagta: Sanadkiiba waxaa la siinayaa $466.00.
  • Hoy : Ardayga waxaa la dejinayaa xarumaha jaamacadda (Residential College).
  • Caymiska Caafimaadka: Ardayga waxaa loo samaynayaa caymis caafimaad oo dhamaystiran inta uu waxbarashada ku jiro.

Shuruudaha Codsiga

Si aad u hesho deeqdan, waa inaad buuxisaa shuruudahan soo socda:

  1. Da’da:
    • Undergraduate/Diploma: Waa inaanu ka weynaan 25 sano marka ay taariikhdu tahay 1 July 2026.
    • Postgraduate (Master): Waa inaanu ka weynaan 35 sano marka ay taariikhdu tahay 1 July 2026.
  2. Aqoonsiga: Waa inuu yahay muwaadin wadamada ka baxsan Brunei ka socda yahay.
  3. Luuqadda: Waa inuu leeyahay aqoon fiican oo luuqadda Ingiriisiga ah (IELTS 6.0, TOEFL 550, ama IGCSE Grade C).
  4. Caafimaadka: Waa inuu ardaygu yahay mid caafimaad qaba oo aan qabin xanuun ka hor istaagi kara waxbarashada.

Jaamacadaha Ka Midka ah Barnaamijkan

Waxa aad codsan kartaa mid ka mid ah jaamacadaha soo socda ee ku yaalla Brunei:

  • Universiti Brunei Darussalam (UBD)
  • Universiti Teknologi Brunei (UTB)
  • Universiti Islam Sultan Sharif Ali (UNISSA)
  • Politeknik Brunei (PB)
  • Kolej Universiti Perguruan Ugama Seri Begawan (KUPU SB)

Si aad deeqdan u codsatid raac tallaabooyinkan soo socda

Talaabooyinka Codsiga

Si aad u bilawdo codsigaaga, raac shantan talaabo:

1. Diyaarinta Dukumentiyada (Required Documents)

Kahor intaanad galin mareegta, iska hubi inaad haysato dukumentiyadan oo lagu “Scan” gareeyey qaab PDF ah:

  • Sawirka Baasaboorka (Passport size photo).
  • Koobiga Baasaboorka oo shaqaynaya ama Aqoonsiga Qaranka.
  • Shahaadooyinka iyo Natiijooyinka waxbarasho (Transcripts) oo la xaqiijiyey (Certified).
  • Warqadda Booliiska (Police Clearance/Certificate of Good Conduct).
  • Laba warqadood oo talo-bixin ah (Reference Letters) oo ka socda macalimiintaadii hore.

2. Buuxinta Foomka Online-ka ah (MFA Portal)

Waa inaad buuxisaa foomka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Brunei. Kani waa foomka ugu muhiimsan ee deeqda.

  • Guji linkiga hoose ee codsiga.
  • Sameyso “Account” cusub haddii aadan horay u lahayn.
  • Gali macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, kuwa waxbarashada, iyo doorashada jaamacadda.

3. Codsiga Jaamacadda (University Portal)

Haddii aad doorato jaamacadaha UBD ama UTB, deeqdu waxay u baahan tahay inaad foom labaad ka buuxiso mareegta jaamacadda lafteeda. Tani waa mid khasab ah si ay jaamacaddu kuu aqbasho marka hore.

4. Xaqiijinta Dawladda (Endorsement)

Qaybta C1 ee foomka codsiga waxaa loogu talagalay in ay kuu saxeexdo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaaga (Somalia/Somaliland). Waa inaad u geysaa si ay kuugu shaabadeeyaan.

5. Gudbinta Final-ka ah

Markaad dhamaystirto dhammaan macluumaadka, guji Submit. Iska hubi in xajmiga dukumentiyada aad upload-garaynayso aanu ka weynaan inta loogu talagalay (badanaa 10MB wadar ahaan).

Link-iyada Muhiimka Ah

Halkan waxaan kuugusoo koobay link-yada muhiimka codsigaaga.

Qaybta CodsigaBadhanka Tooska ah
Bogga Rasmiga ah ee DeeqdaApply Now (MFA Website)
Codsiga Jaamacadda UBDUBD Admissions
Codsiga Jaamacadda UTBUTB Admissions
Codsiga Jaamacadda UNISSAUNISSA Admissions

FIIRO GAAR AH: Hubi in Email-ka aad ku codsanayso uu yahay mid furan oo aad si joogto ah u eegto, waayo wixii xidhiidh ah halkaas ayaa lagaaga soo dirayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *