
Jaamacadda Bergamo (University of Bergamo) waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu horreeya dalka Talyaaniga, waxayna ku taal mid ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan uguna ammaanka badan gobolka Lombardy. Haddii aad tahay arday doonaya inuu waxbarasho tayo leh ka helo Yurub, deeqdan waa fursad dahabi ah.
Maxay Tahay Deeqda DSU ee Jaamacadda Bergamo?
Deeqda ugu weyn ee jaamacaddani bixiso waxaa loo yaqaannaa DSU Scholarship (Diritto allo Studio Universitario). Waa deeq ku dhisan baahida dhaqaale ee ardayga iyo dhibcihiisa waxbarasho.
Faa’iidooyinka Deeqda:
- Dhaafitaan Lacagta Waxbarashada: Ardayda ku guuleysata deeqdan ma bixiyaan wax lacag ah.
- Lacag bille ah: Ardayga waxaa la siiyaa lacag gaadhaysa ilaa €7,000 (way kala duwanaan kartaa sanadba sanadka ka dambeeya).
- Guryo Bilaash ah: Jaamacadda ayaa ardayga siinaysa meel uu dego ama kaalmo lacageed oo dhanka guriga ah.
- Cunno Bilaash ah: Hal ama labo waqti oo cunno ah oo aad ka cunayso makhaayadaha jaamacadda.
Maadooyinka Lagu Barto Ingiriisiga
Jaamacadda Bergamo waxay bixisaa koorsooyin badan oo lagu barto luqadda Ingiriisiga, gaar ahaan heerka Master’s, kuwaas oo u badan:
- Engineering (Mechanical, Management, etc.)
- Economics and Business Administration
- International Management and Marketing
- Planning and Management of Tourism Systems
- Legal Studies
Shuruudaha Codsiga ee Ardayda Soomaaliyeed
Si aad ugu tartanto deeqdan, waa inaad buuxisaa shuruudaha soo socda:
- Shahaado Waxbarasho: Inaad haysato shahaadada dugsiga sare (Bachelor) ama midda jaamacadda (Master).
- Luqadda: Shahaadada IELTS (badanaa 5.5+) ama “English Proficiency Letter” oo ka timid jaamacaddii aad hore uga soo baxday.
- ISEE Parificato: Tani waa qaybta ugu muhiimsan. Waa warqad muujinaysa dakhliga qoyskaaga. Maaddaama aad tahay arday caalami ah, waa inaad turjuntaa caddeynta dakhliga qoyskaaga oo aad ka soo xaqiijisaa safaaradda Talyaaniga.
Talaabooyinka loo Codsado
Talaabada 1-aad: Admission-ka Jaamacadda
Marka hore, waa inaad codsataa jaamacadda lafteeda adigoo isticmaalaya portal-ka UNIBG. Waxaad soo gudbinaysaa CV-gaaga, Shahaadooyinkaaga, iyo Motivation Letter.
Talaabada 2-aad: Pre-Enrollment (Universitaly)
Marka jaamacadda lagaa aqbalo, waa inaad iska diiwaangelisaa mareegta Universitaly si aad u bilawdo nidaamka Visaha.
Talaabada 3-aad: Codsiga Deeqda DSU
Inta u dhaxaysa bilaha July iyo September, waxaa furma codsiga deeqda DSU. Waxaad u baahan doontaa inaad geliso xogtaada dhaqaale ee aad hore u diyaarisay.
FIIRO GAAR AH: Hubi in dhammaan dukumentiyadaada ay yihiin kuwo sax ah oo la turjumay ka hor inta uusan xidhmin xilliga codsiga.
diyaar ma u tahay inaad bilawdo mustaqbalkaaga Bergamo?
Halkan ka apply garee si aad bilawdid safarkaaga.
