Hordhac kooban

Jaamacadda Palermo oo ku taal koonfurta dalka Talyaaniga ayaa sanad walba bixisa fursado waxbarasho oo heer sare ah oo loogu talagalay ardayda ka baxsan Midowga Yurub (Extra-EU students). Deeqdan oo bilaabanaysa sanad-dugsiyeedka 2025–2026 waxa ay si gaar ah uga faa’iideysan karaan ardayda kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Nigeria, Pakistan iyo kuwo kale.

Waxaa muhiim ah in lagu xuso in deeqdan lagu heli karo iyada oo aan shahaado IELTS ama TOEFL ah loo baahnayn, taas oo ka dhigaysa mid aad u furan oo la heli karo.

Maxaa Deeqdan Kaga Duwan Tahay Kuwo Kale?

Ma jirto IELTS shardi ah: haddii aad haysato caddeyn ah in waxbarashadaadii hore lagu dhigey Ingiriis, waxaad ka gudbi kartaa shuruudaha luqadda.

Codsi online ah: Dhammaan habraacyada waxaa lagu dhammeeyaa online adigoo maraya bogga Universitaly.it.

Waxbarasho lacag la’aan ah: Ardayda ugu sarreysa waxay heli karaan fursad ay kaga reebmaan lacagta waxbarashada, iyadoo laga yaabo in ay sidoo kale helaan taageero hoy, cunto iyo kharashaad kale.

Shuruudaha codsiga

Si aad ugu qalanto deeqdan, waa in aad buuxiso shuruudahan:

1: Inaad kasoo jeedo wadan aan Midowga Yurub ka tirsanayn (e.g., Soomaaliya).

2: Inaad haysato shahaado waxbarasho oo kugu filan (e.g., shahaadada dugsiga sare ama bachelor degree).

3: Inaad dhammeystirto nidaamka isdiiwaangelinta online-ka ee Universitaly.

4: Inaad soo gudbiso dukumentiyada saxda ah: Passport, Shahaadooyin + Transcript, CV, Caddeyn luqadeed ( medium of instruction certificate haddii loo baahdo )

Wadamada loo ogolyahay

Deeqdan waa loo ogolyahay dhamaan wadamada ka baxsan midawga yurub

Faa’iidooyinka Laga Helayo deeqdan waxbarasho

> Lacag ka dhaafitaan (tuition waiver)

> Taageero hoy iyo cunto oo la heli karo hadii la codsado barnaamijyada ay bixiyaan hay’adaha maxalliga ah sida ERSU Palermo

> Fursado shaqo tababar iyo internship ah

> Degenaansho sharciyeed oo rasmi ah intaad waxbaranayso

> Waayo-aragnimo nololeed iyo mid aqooneed oo qoto dheer

Xasuusin

Pre-enrolment: laga bilaabo March ilaa August 2025 (12 March – 9 August)

Dalabka Visa: kadib markaad hesho oggolaanshaha jaamacadda

Bilowga waxbarashada: Sebtember / Oktoobar 2025

Linkiga Codsiga iyo Xogta Rasmiga ah:

wixii xog ah ee dheeraad ah sidoo kale websiteka rasmiga ah ee la iska diiwaangalinayo waa ka halkan inoo yaala.

https://www.unipa.it/mobilita/en/new-students/new-students—enrolment/enrolment-procedures-for-extra-eu-foreign-students

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *