English for Career Development – Koorso Bilaash ah oo Shahaado Leh

English for Career Development waa koorso online ah, oo muhiim ah, wuxuu anfacayaa dhamaan cid walba oo doonaysa in xirfadooda iyo kaydkooda luqadeed kor u qaado, si gaar ah waxa uu usii anfacayaa dhalinyarta shaqo raadiska ah, iyo dhalinyarta jecel in ay helaan fursado waxbarasho oo gudaha iyo dibaddaba ah.

Maxaad ku baranaysaa koorsadan?

  • Sida loo qoro CV (Resume) xirfad leh oo soo jiidanaya shaqo-bixiyaha.
  • Habka loo diyaariyo Cover Letter codsi shaqo oo heer caalami ah.
  • Tabaha lagu dhiso Profile Online (LinkedIn iyo platforms kale).
  • Xirfadaha lagama maarmaanka u ah wareysiga shaqo (Interview).
  • Fahamka ereyada iyo hadalka loo isticmaalo goobaha shaqada .

Faa’iidooyinka koorsadan

  • Waa bilaash qof walba wuu iska diiwaan gelin karaa.
  • Waxay ku caawinaysaa inaad kordhiso fursadahaaga shaqo sidoo kale waxay kordhinaysaa jaaniska aad ku heli karto scholarships caalami ah.
  • waxa kordhaya keydkaaga iyo awoodaada luqadeed.
  • Koorsada dhammaadkeeda waxaad ka heli kartaa shahaado (certificate) taas oo CV-gaaga qiime weyn ku kordhinaysa.

Ku habboon:

Ardayda, shaqo-doonayaasha, iyo dhalinyarada doonaysa inay xirfado luqadeed iyo xirfadeed ku dhistaan si ay uga muuqdaan suuqa shaqada

Fiiro-gaar ah

Coursekan Coursera si bilaash ah ayaad uga baran karta Lakin waxaa Lacag ah shahaadada laakiin si bilaash waxaad waxbarasho iyo shahaadaba uga heli kartaa Madasha ALison

Halkan guji si aad isku diiwaangaliso : English for Career Development – Alison

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top