
Ma tahay arday reer Somaliland ah oo raadinaya waxbarasho tayo sare leh oo caalami ah? Dawladda Taiwan waxay ku dhawaaqday in la furay codsiga deeqda waxbarasho ee MOFA Taiwan Scholarship 2026. Fursadan waxay u furan tahay dhalinyarada kartida leh ee reer Somaliland si ay waxbarasho heerkeedu sareeyo oo tayo leh ugu soo qaataan dalka Taiwan.
Guud Mar: Maxay Tahay Deeqda MOFA?
Deeqdan waxaa bixisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan (MOFA), ujeedadeeduna waa inay kor u qaaddo iskaashiga waxbarasho iyo aqoon-iswaydaarsiga u dhexeeya labada dal. Waxay dhalinyarada Somaliland siinaysaa fursad ay ku bartaan aqoon casri ah.
Shuruudaha iyo Dukumintiyada Laga Baahan Yahay
Documents-ka muhiimka ah ee aad u baahantahay waakuwan;
Foomka & Aqoonsiga: Foomka codsiga oo buuxa iyo koobiga Baasaboorka.
Waxbarashada: Shahaadada heerka ugu sareeya iyo darajooyinka (Transcript) oo la xaqiijiyey.
Oggolaanshaha: Warqadda oggolaanshaha jaamacad ku taal Taiwan.
Waraaqaha Kale: Warqadaha talo-bixinta (Recommendation) iyo warqadda danbi-baadhista (Police Clearance).
Habka Codsiga iyo Xilliga Kama-dambaysta ah
Dukumintiyada codsiga oo daabacan (Hard copy) waa in lagu wareejiyaa Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland (Taiwan Representative Office in Somaliland).
- Xilliga ugu dambeeya (Deadline): 31 March 2026.
Ma u Baahan Tahay Faahfaahin Dheeraad Ah?
Si aad u hesho hagaha rasmiga ah (Guidelines) iyo foomka codsiga, booqo mareegta rasmiga ah ee MOFA:
Apply Now: MOFA Official Website
Macluumaadka Dheeraad ah
Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama u baahan tahay caawimaad dheeraad ah, la xidhiidh:
- Telefoon: 252-2-520807
- Email: taiwaninsomaliland@gmail.com
