HP LIFE: Barnaamij Bilaash ah oo Horumariya Aqoonta Ganacsiga iyo Teknoolojiyadda

Hordhac

Maanta, hal-abuurka iyo ganacsiyada yar-yar ayaa ah laf-dhabarka horumarka shaqsiga iyo bulshada. Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa wajahaya caqabado ay ka mid yihiin helitaanka tababar tayo leh oo la awoodi karo.

Hadaba arintaas waxa xal u ah madalaha onlineka ah ee sida Madasha HP LIFE (Learning Initiative for Entrepreneurs) — barnaamij waxbarasho oo bilaash ah oo ay maamusho shirkadda caanka ah ee HP (Hewlett-Packard), si ay u taageerto dadka doonaya inay horumariyaan xirfadahooda ganacsi iyo teknoolojiyadeed.


Waa Maxay HP LIFE?

HP LIFE waa madal waxbarasho oo online ah, oo bixisa koorsooyin bilaash ah oo ku saabsan:

  • Ganacsiga
  • Maaliyadda
  • Tiknoolojiyadda
  • Hal-abuurka iyo hogaaminta

Waxaad koorsooyinkan ku baran kartaa meel kasta, wakhti kasta, adigoo adeegsanaya kombiyuutar ama taleefan. Barnaamijkan waxaa maamula HP Foundation, waxaana loogu talagalay:

  • Dhalinyarada doonaysa inay bilaabaan ganacsi
  • Ganacsatada yaryar ee raba inay kobciyaan ganacsigooda
  • Ardayda ama shaqaalaha raba inay bartaan xirfado shaqo iyo suuq-geyn

Noocyada Koorsooyinka HP LIFE

Madasha HP LIFE waxay bixisaa in ka badan 30 koorso oo loo qaybiyey afar qaybood oo waaweyn:

1. Ganacsiga (Business Skills)

  • Qorshaynta ganacsiga
  • Maareynta waqtiga
  • Xidhiidhka macaamiisha
  • Qorshaha suuq-geynta

2. Maaliyadda (Finance)

  • Maaraynta dakhliga iyo kharashaadka
  • Fahamka miisaaniyadda iyo lacagaha
  • Xisaabaha fudud ee ganacsiyada

3. Tiknoolojiyadda (Technology)

  • Isticmaalka Excel iyo software xisaabeedyada
  • Fahamka e-commerce
  • Internet-ka ganacsiga

4. Hal-abuurka & Hogaaminta (Innovation & Leadership)

  • Isgaadhsiinta wax ku oolka ah
  • Xallinta dhibaatooyinka
  • Fikir hal-abuur leh iyo hogaaminta

Sida Looga Faa’iidaysan Karo HP LIFE

Helitaanka madashan waa mid aad u fudud. Raac tillaabooyinkan:

  1. Tag bogga rasmiga ah:
    👉 www.life-global.org
  2. Isdiiwaangeli (Sign Up):
    Buuxi magacaaga, iimaylkaaga, iyo erayga sirta ah.
  3. Dooro koorsada aad rabto:
    Koorso walba waa bilaash, waxaadna bilaabi kartaa markaad rabto.
  4. Wax ka baro xilligaaga:
    Casharradu waa muuqaal iyo qoraal is-dhexgal ah — si fudud oo xiiso leh.
  5. Hel shahaado rasmi ah:
    Markaad dhammayso koorsada, waxaad helaysaa shahaado dijitaal ah oo ku habboon CV-gaaga ama LinkedIn.

Faa’iidooyinka Madasha HP LIFE

  • Bilaash – Looma baahna lacag ama subscription.
  • Waqti furan – Waxaad wax baran kartaa goorta iyo waqtiga kugu haboon.
  • Shahaado la aqoonsan yahay – Waxay muujinaysaa xirfado dhab ah.
  • Luqaddo badan – Waxaa lagu heli karaa English, Arabic, French, Spanish, iwm.
  • Koorsooyin la cusboonaysiiyo – Mawduucyada waxaa si joogto ah loo hagaajiyaa si ay ula socdaan isbeddellada suuqa shaqada.

Halkan ka booqo websiteka HP LIFE https://www.life-global.org/

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top