Hordhac Kooban

Ireland Fellows Programme – Africa waa barnaamij deeq waxbarasho oo ay bixiso Dowladda Ireland kaas oo u oggolaanaya xirfadleyaal ka socda dalal Afrikaan ah – oo ay ku jirto Soomaaliya – inay hal sano ku bartaan Master’s lacag la’aan ah jaamacad ku taal Ireland.

Barnaamijku wuxuu daboolayaa dhammaan kharashaadka muhiimka ah sida waxbarashada, hoyga, caymiska, safarka, iyo kharashaadka nololeed. Waxa uu si gaar ah u xooga saarayaa horumarinta hoggaamiyeyaal mustaqbalka ah iyo dhisidda xirfadaha lagu horumarin karo dalalkooda.

shuruudaha codsadaha

  1. Shahaado Jaamacadeed (Bachelor):
    Waa inaad leedahay Bachelor  (ugu yaraan “Upper Second Class”) oo la qaatay 2014 ama wixii ka dambeeyay.sidoo kale GPA waa in aanu ka hoosayn 3.0
  2. Khibrad Shaqo:
    Waa in aad leedahay khibrad shaqo oo la taaban karo oo la xiriirta Field-ka aad rabto, ugu yaraan laba sanno.
  3. Master hore ma laha:
    Lama oggola qof hore u qaatay Master’s ama wax ka sarreeya.
  4. Luuqadda Ingiriisiga:
    Waa in aad leedahay aqoon wanaagsan oo English ah (tusaale ahaan IELTS haddii loo baahdo).
  5. Deganaansho iyo Dhalasho:
    Waa inaad ku nooshahay oo aad ka dhalatay mid ka mid ah dalalka u qalma – Soomaaliya waa ka mid.
  6. Rabitaanka wax-ka-badalka Dalkaaga:
    Waa inaad muujisaa hami ah in aad dib ugu laabanayso dalkaga si aad ugu adeegto marka aad waxbarashada dhammaysato.

7. Doorashada Barnaamijyada:
Waa inaad doorataa 3 Master’s Programme oo ku jira liiska barnaamijyada la oggol yahay.

Wadamada loo ogolyahay

Somalia, Burundi, Djibouti, Democratic Republic of the Congo, Eritrea, Eswatini, Angola, Ethiopia, Ghana, Kenya, Lesotho, Liberia, Malawi, Mozambique, Nigeria, Rwanda, Senegal, Sierra Leone, South Sudan, Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia, Zimbabwe.

Takhasusaadka la heli karo;

Barnaamijyada la ogolyahay waxay ku jira STEM, caafimaadka, waxbarashada, cilmiga bulshada, ICT, injineernimada, ganacsiga, xuquuqda aadanaha, iyo kuwo kale – liisaska oo dhammeystiran waxa laga heli karaa “Directory of Eligible Programmes”

Wakhtiga La codsan karo

Codsiyada barnaamijka 2026/27 waa hadda furanyihiin.

Taariikhda kama dambaysta ah badanaa waxay dhacaysaa bisha July 2025 (men: 25 July 2025)

Ujeeddooyinka barnaamijku waxaa ka mid ah:

  • Kor u qaadida awooda hoggaamineed ee xirfadlayaasha Afrikaanka ah.
  • Xoojinta xiriirka Ireland iyo dalalka Afrika.
  • Dhiirrigelinta waxbarasho sare iyo hufnaan dowladeed.

Shuruudaha layskaga baahanyahay, Courses la dhiganayo, qaabka loo xaraysanayo iyo talaabooyinka muhiimka ah waxaad ka helaysaa website-ka rasmiga ah ee Ireland Fellows programme

https://www.irishaidfellowships.ie/strands/ireland-fellows-programme-africa.html

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *