
Haddii aad qorsheyneyso inaad gasho imtixaanka IELTS, waxaa jira fursad weyn oo aad ku heli karto diyaar garow tayo leh adigoon wax lacag ah bixin. EdX oo kaashanaysa Jaamacadda Queensland ayaa bixisa koorso online ah oo bilaash ah oo si gaar ah loogu talagalay ardayda raba inay horumariyaan xirfadaha luqadda Ingiriisiga.
Koorsooyinkani waxay ka kooban yihiin in ka badan 80 saacadood oo casharro iyo layliyo is-dhexgal ah, kuwaas oo diiradda saaraya afarta xirfad ee ugu muhiimsan kuwaas oo kala ah: maqalka, akhriska, qorista iyo hadalka. Waxaa lagu barayaa xeelado wax ku ool ah, tusaalayaal dhab ah, iyo khaladaadka caadiga ah ee ardaydu sameeyaan si aad uga fogaato.
Waxa kale oo aad haysataa fursad aad ku dooran karto qaybaha aad daciifka ka tahay ama aad si tartiib tartiib ah ugu dhammaystiri karto manhajka oo dhan.
Koorsooyinkan waxaa loo sameeyay qof kasta oo doonaya inuu qaato imtixaanka IELTS Academic, xitaa haddii aad ku jirto heerka hordhaca ah ee barashada Ingiriisiga.
👉 Haddii aad rabto inaad si kalsooni leh ugu diyaar garowdo imtixaanka IELTS, waa waqtigii aad iska diiwaangelin lahayd oo aad bilaabi lahayd safarkaaga guusha!
Linkigan raac si aad u bilawdid safarkaaga u diyaargarowga imitixaanka IELTS https://www.edx.org/learn/test-prep/the-university-of-queensland-ielts-academic-test-preparation
