Madasha MindLuster iyo Sida Looga Faa’iidaysan Karo

Shahaado iyo koorsooyin bilaash ah

Hordhac
MindLuster waa madal waxbarasho online ah oo caalami ah oo bixisa koorsooyin bilaash ah oo ku saabsan xirfado kala duwan sida IT, programming, design, marketing, management, caafimaad, iyo luqado. Waxay si gaar ah uga duwan tahay madallaha kale sababtoo ah waxay bixisaa shahaadooyin free ah koorso kasta kadib, taas oo ka dhigaysa meel ay ardayda, xirfadlayaasha, iyo qof kasta oo doonaya horumar xirfadeed ku habboon.

1. Waxyaabaha Madasha Lagu Baran Karo

MindLuster waxay leedahay in ka badan 6000+ koorso oo daboolaya:

  • Tiknoolajiyada & Programming (Python, Java, Web Development, Cyber Security)
  • Ganacsiga & Suuq-geynta (Digital Marketing, SEO, Sales, E-commerce)
  • Xirfadaha Shaqada (Leadership, Management, Communication Skills)
  • Caafimaadka & Sayniska
  • Luqadaha
  • Design & Multimedia (Photoshop, Video Editing, 3D Animation)

2. Shahaadooyinka MindLuster

  • Shahaado Bilaash ah: Koorso kasta oo aad dhamayso waxaad heli kartaa shahaado PDF ah si bilaash ah.
  • Shahaado Premium (Lacag leh): Haddii aad rabto shahaado rasmi ah oo leh verification code iyo calaamad la xaqiijiyey, waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo lacag.

3. Sida Looga Faa’iidaysan Karo MindLuster

  1. Is-diiwaangeli – sameeso account bilaash ah.
  2. Dooro Koorso – raadi koorsooyinka aad danaynayso.
  3. Baro Wakhti Kuu Fudud – koorsooyinku waa recorded, markaa waxaad ku baran kartaa si tartiib tartiib ah.
  4. Qaado Imtixaanka (haddii uu jiro) – qaar ka mid ah koorsooyinka imtixaan bay leeyihiin, qaar kalena ma leh.
  5. Soo Degso Shahaadadaada – kadib markaad dhamayso, waxaad si toos ah u helaysaa shahaadada free ah.
  6. Ku dar CV-ga & LinkedIn – tani waxay sare u qaadaysaa sumcaddaada xirfadeed.

4. Faa’iidooyinka MindLuster

  • Bilaash – wax lacag ah lagama rabo inta badan.
  • Shahaado degdeg ah – isla markaad dhamayso koorsada, waxaad soo degsan kartaa shahaadadaada.
  • Xirfado la taaban karo – waxaad baranaysaa xirfado suuqa shaqada looga baahan yahay.
  • Fudayd & Helitaan – qof kasta meel kasta waa uu ka baran karaa, kaliya internet iyo computer/telefoon ayaa loo baahan yahay.
  • Koorsooyin Tiro Badan – waxaad ka heli kartaa mawduucyo kala duwan.

Halkan guji si aad u geshid websiteka Mindluster https://www.mindluster.com/

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top