
Deeqda waxbarasho ee Global Korea Scholarship (GKS), oo hore loo oran jiray KGSP, waa mid ka mid ah deeqaha ugu caansan uguna deeqsisan caalamka. Dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sannad kasta siisa boqollaal arday oo kasoo kala jeeda daafaha aduunyada, iyadoo ardayda Soomaaliyeed ay ka mid yihiin kuwa ay u furantahay in ay fursadan codsadaan.
Maxay Deeqda GKS daboolaysaa ?
GKS waa deeq Fully Funded ah, taas oo ka dhigan in ardayga uusan bixinayn wax lacag ah. Waxaa ku jira:
- Tikidhada Diyaaradda: Tegista iyo soo laabashada markaad dhameysato.
- Lacagta Jaamacadda: 100% lacagta waxbarashada waa free.
- Lacag Bilood ah: Lacag gaadhaysa $900 – $1,000 bishii oo noloshaada ah.
- Barashada Luuqadda: Sannad bilaash ah oo aad ku baranayso luuqadda Kuuriyaanka.
- Caymis Caafimaad: Kharasaadka caafimaadka inta aad dalkaas joogto.
Shuruudaha looga baahan yahay Ardayda Soomaaliyeed
Si aad ugu guulaysato deeqdan, waa inaad buuxisaa shuruudaha soo socda:
1. Heerka Waxbarasho iyo Da’da
- Undergraduate (Bachelor): Waa inaad dhammaysatay dugsi sare, da’daaduna aysan ka weynayn 25 sano.
- Graduate (Master/PhD): Waa inaad haysataa shahaado jaamacadeed, da’daaduna aysan ka weynayn 40 sano.
2. Dhibcaha (GPA)
Waa in dhibcahaaga dugsiga sare ama jaamacadda (Cumulative GPA) ay yihiin:
- In ka badan 80% boqolkiiba.
- Ama inaad ku jirto 20% ee ugu sareeya fasalkaaga.
3. Dukumintiyada Muhiimka ah
- Shahaadooyinka waxbarashada (Dugsi Sare ama Jaamacad).
- Warqadda dhibcaha (Transcripts).
- Personal Statement: Maqaal aad kaga hadlayso yoolkaaga.
- Study Plan: Qorshahaaga waxbarasho ee Kuuriya.
- Recommendation Letters: Laba warqadood oo laga soo saxiixay macallimiintaadii hore.
Sida loo codsado ?
Waxaad dooran kartaa mid ka mid ah labadan dariiqo:
| Nooca Codsiga | Sharaxaadda |
| Embassy Track | Waxaad dukumintiyada u diraysaa Safaaradda Kuuriya ee ku taalla wadamada jaarka ah sida itoobiya ama kenya. |
| University Track | Waxaad dukumintiyada si toos ah ugu diraysaa jaamacadda aad rabto ee ku taal Kuuriyada Koonfureed. |
Xaqiijinta Dukumintiyada
Si codsigaaga deeqda GKS loo aqbalo, waa in dukumintiyadu maraan saddexdaan heer:
- Turjumaad: Haddii shahaadadu aysan Ingiriis ku qornayn, waa in loo turjumaa si rasmi ah.
- Wasaaradda Waxbarashada: Waa inay ku dhufataa shaabadda xaqiijinta si loo ogaado in shahaadadu tahay mid dhab ah.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Waa tallaabada ugu dambaysa ee dukumintigaaga ka dhigaysa mid caalami ah (Legalization).
| Marxaladda | Graduate (Master/PhD) | Undergraduate (Bachelor) |
| Furitaanka Codsiga | February 2026 | September 2026 |
| Xiritaanka Codsiga | March 2026 | October 2026 |
| Natiijada Final-ka | June 2026 | July 2027 |
| Bilaabashada Luuqadda | September 2026 | March 2027 |
Riix botankan hoose si aad u soo degsato foomamka rasmiga ah iyo liiska jaamacadaha qaybta ka ah barnaamijkan.
